Dab baaxad leh ayaa todobaadadii lasoo dhaafay ka holcayay kaymaha waddanka Australia, halkaas oo ay dawladda ku adagtahay in ay la tacaasho dabka oo sii fidaya.

Heer kulka cimilada ayaa sare usii kacaya waxaana uu inta badan waddanka gaadhay 40C cabirka heer kulka. Kulka sare usii kacaya ayaa mar kale laga cabsi qabaa in uu qayb ka qaato dabka oo ku fida meelo kale.

Dad badan ayaa laga daad-gureeyay deegaanad fogfog iyo duleedka magaalooyinka qaar oo dabku uu kusoo dorkayo, sida magaalada xeebta ku taala ee Sydney.

Illaa sagaal qof ayaa ku nafwaayay dabka tan iyo bishii September markaas oo uu si rasmi ah u bilaabmay dabku.

Dawladda ayaa isku dayaysa in ay xamakayso, waxaana ay hawl galisay ciidamo tiro badan si ay uga qaybqaataan hawlaha daminta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga