Panjshir waxay u gacan gashay ciidamada Daalibaan ee dagaalka adag halkaas ka waday, sida ay sheegatay kooxdaa Daalibaan oo afhayeenkooda guud uu hadlay.

Maalmihii lasoo dhaafay dagaalo lagu hoobtay oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka socday dooxada oo la jaar ah magaalada caasimadda ah ee Kabul, balse leh dhufaysyo adag oo buuro ah, isla markaana ay hore u mari waayeen Mdiawgii Soofiyeeti iyo kooxda Daalibaan lafteeda sanadadii 90maadkii.

Afhayeenka Daalibaan wuxuu tibaaxay in ciidamadoodu ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Panjshir. Zabihullah Mujahid wuxuu sheegay in dhammaan dhulka Afkaanistaan uu si buuxda gacantooda ugu jiro, isla markaana uu dhammaaday wax uu ku sheegay dagaalka dooxada.

Warka Daalibaan waxa beeniyay dagaalamayaasha dooxada ku jira ee diidan talada Daalibaan, oo ku dhawaaqay maamul ka madax banaan kan Daalibaan ay qorshaynayso.

Xoogaga Iska Caabinta Daalibaan ee la baxay NRF waxay ku warameeen in ay degaano istaraatiji ah qaarkood ay u guureen, balse lama sheegin meesha ay u aag bedelanayaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga