Kooxda Daalibaan ee ka dagaalamaysay dalka Afkaanistaan ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay soo afmeertay dagaalkii ka socday dalkaas mudada ka badan 20-ka sanno.
Daalibaan ayaa imika badi gacanta ku haysa dalkaas, iyadoo shalay gashay madaxtooyada Kabul oo imika ay la wareegeen dagaalyahanada kooxdu, halka madaxweyne Ashraf Qaani uu u firxaday dalalka jaarka.
Maraykanka ayaa iskaga baxay Afkaanistaan taas oo keentay in Daalibaan ay dib awooda ugusoo noqoto.