Daacish waxay 3 sanno kadib fulisay weerarkii ugu dhimashada badnaa gudaha dalka ku yaala Bariga Dhexe ee Ciraaq.

Dad kor u dhaafaya 32 qof ayaa lagu dilay laba qarax oo Daacish ay la eegatay goobo saxmad oo ku yaala badhtamaha Baqdaad. Dad ka badan 110 qof ayaa iyaguna ku dhaawacmay labada qarax.

Qaraxa ayaa lala eegtay suuq aad u mashquul badan, wax yar kadibna waxa dhacay qaraxa kale, sida ay ku warantay wasaaradda arimaha gudaha ee dalka Ciraaq.

Dad badan oo goobta yimi isla markaana caawimo u fidinayay dadka ku waxyeeloobay qaraxa hore ayaa ku dhintay qaraxa danbe.

Tan iyo horaanta sanadkii 2018, waa qaraxii ugu cuslaa ee Baqdaad ka dhaca, markaas oo isla suuqan maanta la weeraray oo la yidhaa Tayaran ay Daacish ku dishay 35 qof, tobanaan kalana ku dhaawacday.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga