In ka badan 30 Askari oo ka mid ah maleeshiyaadka tageera dawlada ciraaq ayaa la dilay kadib markii ay weerar ku qaadeen dagaalyahanada Islaami ah ee Daacish

ISIS – ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka waxana ay xaqiijiyeen in 30 qof lagu dilay weerarka,

Dilalka ayaa keenay su’aalo ku saabsan joogitaanka dagaalyahannada ISIS ee Ciraaq, kadib markii Ciraaq ay ku dhawaaqday guusha ay ka gaadhay kooxda hubaysan bishii December.

Koox hubaysan oo Iiraan taageersan ayaa la xidhiidhtay xukuumadda Ciraaq ee dagaalka ay kula jirto ISIS, sidaasi waxaa sheegay warbaahinta kasoo baxa dalka ciraaq,

Ciidamadda PMF ayaa howlgalo ammaanka ah ku soo qab qabtey Dagaalamayaal Daacish ah intii uu socday weerarka, sida ay sheegeen maleeshiyada.

Ciraaq ayaa dib u soo ceshatay dhul ballaadhan oo ay markii hore gacanta ku hayeen dagaalyahannada ISIS sannadkii hore, oo ay ku jiraan magaalooyinka waaweyn

Toddobaadkii la soo dhaafay, deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ayaa ballan-qaaday $ 30-milyan oo doolar si ay uga caawiyaan xukuumadda Ciraaq dib-u-dhiska waddanka ka dib markii uu dagaal afar sano ka socday dalka oo ka dhan ah ISIL.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga