Cyril Ramaphosa, oo madax ka ahaa xisbiga (ANC), ayaa loo dhaariyey madaxweynaha Koonfur Afrika, wax ka yar 24 saacadood ka dib markii uu is casilay hogaamiyihii hore ee Jacob Zuma.
“Waxaan isku dayi doonaa in aanan niyadjabin dadka reer Koonfur Afrika,” Ramaphosa ayaa Khamiistii sheegay isaga oo hadalkiisa sii watey baarlamaanka, wax yar kadib markii siyaasiyiinta ANC ay uu doorteen isaga in uu madaxwaynaha koonfur africa noqdo
madaxwaynihi hore ee koonfur africa ayaa Isagoo iscasiladiisa kaga had laayay telefishanka qaranka kadib markii isbuucyadan lagu cadaadinaayay inuu iskaga dago xilka taas oo laga yaabo in uu ku kasbaday eedeymaha musuqmaasuqa muddada dheer lagu xamanaayay
Doorashadii Ramaphosa waxay ahayd mid aad u ballaadhan, iyada oo aanay jirin musharaxiin kale oo la tartamaayay

 

Labada dhinac ee Isbahaysiga Dimuqraadiga (DA) iyo Dagaalyahannada Xoriyadda ee Dhaqaalaha (EFF) ayaa diiday inay codkooda u siiyaan Ramaphosa, oo u ahaan jiray madaxweyne kuxigeenka Zuma.

 

Qaar ka mid ah xubno ka tirsan EFF ayaa sidoo kale ka tagay aqalka baarlamanka markii ay bilaabmatay doorashada

 

xisbiga EPA ayaa ku baaqay in la kala diro baarlamaanka isaga oo aan rumaysnayn diidmada xukuumadda ANC ee ay ku eedeeyeen Zuma muusuq-masuqa

 

Laakiin Ramaphosa ayaa baarlamaanka waxuu u ballan-qaaday in uu la shaqeynayo mucaaradka lana dagaalamaya musuq-maasuqa
Ramaphosa ayaa yidhi waxaa loo baahan yahay in laga wada xaajoodo waqtigan xaadirka ah sidii looga wada shaqayn lahaa sidi aan u hagaajin lahayn nolosha dadkeena iyo horumarka dalkeena

 

Fahmida Miller, oo ka soo baxday jaamacada Johannesburg, ayaa Al-Jazeera u sheegay in hadalka Ramaphosa uu ahaa mid aad u wanaagsan oo ay ka heleen dad badan oo Koonfur Afrika ah.

 

Tani waxay muujineysaa isbeddel xagga siyaasada ah oo wadanka koonfur africa ku timid

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga