Fanaanka wayn ee caanka ah ee Maxamed Siciid BK ayaa taageero u muujiyay nin cunsuriyadda iyo Islaam nacaybka lagu yaqaano oo ka tirsan xisbiga Conservative-ka ee dalka Ingiriiska.

Muuqaal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa lagu arkay Goldsmith oo la taagan BK, isagoo fanaanku dadka Soomaalida ah ka codsaday in ay taageeraan siyaasiga iyo xisbigiisa, xili ay dad badani dhib kala kulmeen hadaladiisa iyo ficilada xisbiga uu kasoo jeedo ee Conservative Party.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa hadalo kulul ku duray fanaan BK, iyagoo is-waydiiyay in uu u badheedhay iyo in aanu waxba kala socon ninka uu muuqaalka la duubay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga