Cumar alBashiir wuxuu qarka u saaranyahay in uu wajaho dacwado uu sanado badan ka ordayay. Hogaamiyahan awooda badnaa oo Sudan u talinayay intii u dhaxaysay sanadihii 1989-2019 ayaa loo haystaa danbiyo dagaal oo ka dhacay gobolka Darfur ee dhaca galbeedka waddanka Sudan.
Raysalwasaaraha Sudan Cabdallah Xamdook wuxuu balanqaaday in ay la shaqaynayaan maxkamadda danbiyada dagaalka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano ICC, taas oo dacwado u haysa alBashiir iyo saraakiil kale oo dawladiisa ka tirsanaa. Mr. Xamdook wuxuu sheegay in ay maxkamadda kala shaqayn doonaan dadka lagu eedaynayo danbiyada.
alBashiir oo tan iyo markii xukunka laga tuuray ku xidhnaa xabsi ku yaala magaalada Khartuum ee caasimadda Sudan, waxa daydayaysa maxkamadda ICC oo waaran qabasho ah u jartay sanado badan ka hor. Waxa lagu eedaynayaa xasuuq, tacadiyo ka dhan ah bini aadamnimada iyo dagaalo ka dhacay Darfur oo lagu dilay dad lagu qiyaasay 300,000 oo qof. Sanadkii 2003 illaa mudadii xukunka laga tuuray ayay dacwadu u dhaxaysaa.