Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga ee xukuumadda Somaliland ayaa sheegay in laga helay xanuunka Covid-19, isagoo qoraal soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka. Wuxuu yidhi “Waxaan sameeyey Baadhitaanka caabuqa Covid19, jawaabtuna positive bay noqotay Xaaladayduna way fiican tahay. Wax xanuun ah oo aan dareemaya ma jirto.”

Somaliland ayaa guud ahaan diwaan galisay 348 kiis oo xanuunka Covid-19 ah, sida lagu xusay warbixinta maalinlaha ah ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Salaasada maanta.

26 kiis ayaa la helay 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay, iyadoo laga dheehan karo sida uu xanuunku u fidayo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga