Khubarada dhaqaalaha dunida ayaa ka digaya in xanuunka Cornovirus uu hoos u dhac wayn ku sababi kari guud ahaan dhaqaalaha dunida, maadaama uu waddanka uu ka dilaacay ee Shiinuhu qayb laxaad leh ku leeyahay koboca dhaqaalaha adduunka.

Hay’adda IMF ayaa sheegaysa in hadii uu xanuunku sidan kusii socdo ay cabsi ku abuurayso koboca dhaqaalaha, oo ay suurtagal tahay in uu is dhimo.

Caabuqa ayaa sababay in magaalooyin badan oo Shiinaha ku yaala albaabada loo laaabo, isla markaana ay istaagaan wax kasta dhaqdhaqaaqa. Wax soos aar badan ayaa la joojiyay iyadoo laga cabsi qabo fiditaanka caabuqa.

Meelo badan oo ka mid ah Afrika iyo Asia waxa gabaabsi ku jira badeecadaha Shiinaha uga iman jiray, waxaana ay sheegaayan in aanay u safri karin Shiinaha, balse hadana ay baahida alaabta ay ka keeni jireen ay jirto.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga