Congo waxay markii ugu horaysay baadhaysaa macdanta sida sharci darada ah loola baxo ee dalkaas, oo shirkado shisheeye iyo ganacsato gudaha waddanka ahi ay ka faa’iidaystaan qalaalasaha dalkaas ka jiray sanadihii tegay.

Madaxweynaha dalkan dhaca badhtamaha Afrika, Felix Tshisekedi, wuxuu amar ku bixiyay in dhammaan dib loogu noqdo liisamada ay haystaan shirkadaha iyo dadka ka shaqeeya macdanta dalka Congo.

Jamhuuiayda Dimuqraadigaah ee Congo waxay sidoo kale joojisay bixinta liisamada macdanta illaa laga xaqiijinayo kuwa imika lagu shaqeeyo.

Go’aanka madaxweynaha Congo ayaa imanaya xili uu socdo dib u eegis uu ku baaqay oo lagu sameeyo heshiiska macdanta ee madaxweynihii ka horeeyay uu la galay Shiinaha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga