Sucuudiga iyo Iiraan, ayuu dagaal ka dhexeeyay tobannaan sannoba, dagaalladaas oo aanay toos iyagu isku fara saarine, kooxo kale adeegsanayeen iyagoo ku hirdamaya gacan ku haynta gobolka, taasoo khalkhal gelisay xaaladda gobolka ugu dambaynna kicisay isku dhaca Sunniga iyo Shiicada.

Colaadda labada dal, ayaa waxaa sii fiiqay qodabbo dhawr ah, sida dagaallada ka socda Suuriya iyo Yemen iyo kasbasho isku daygooda dalalka Ciraaq iyo Lebnoon.

Laakiin su’aasha is waydiinta mudani  waxay tahay miyey labada dal ee Sucuudi carabiya iyo Iiraan hore col u ahaayeen?

Wixii ka horreeyay sannadkii 1979-kii, sacuudiga iyo Iraan, waxay lahaayeen xidhiidh diblumaasi oo wanaagsan, maxaa yeelay labada dalba waxaa maamulayay laba boqortooyo oo reer galbeedka saaxiib wanaagsan la ahaa.

Kani waa Shaahi Iiran, Maxamed Reza Bahlavi, oo booqanaya dalka Sucuudi Carabiya sannadkii 1978-kii.

Bilo kadib, wax weliba way isbedeleen, waxaa lagu kacay boqor shaahii dalka Iraan.

Sababta isku dhaca labadan dal, ayaa soo bilaabantay sannadahaas, kadib markii kacdoonku ka qarxay  Iiraan.

Kacdoonka ayaa lagu riday boqorkii saaxiibka la ahaa sucuudi Carabiya, iyadoo uu talada qabtay Ayatullah Khumayni.

Khumayni, ayaa Iraan ku soo noqday 15 sanno oo uu mustaafuris kaga maqnaa, soo noqoshadiisa ayaa weji cusub u yeeshay xidhiidhka Iraan iyo Sucuudi Carabiya.

Sucuudiga, oo iskii iskugu sheegay inuu yahay hoggamiyaha dalalka Sunniga ah, ayuu argagax ku beeray is bedelka Iraan ka dhashay inuu gobolka saamayn doono.

Khumayniga Iiraan, ayaa isna si cad u sheegay inuu kasoo horjeedo fikradda boqortooyada, taas oo uu ku sheegay inay tahay wax aan diinta islaamku ogolayn isagoo is barbardhigna ku samayay boqortooyada Sucuudiga iyo midda ay iiraan ku rideen ee boqor shaah.

Khumayni, ayaa col la noqday dawlado uu ku tilmaamay inay yihiin cadow, gaar ahaan dawladaha sucuudiga dabada ku haya, oo ay Sacuudi carabiyana kamid tahay.

Warbixin ay soo saartay haayadda sirdoonka dibadda u qaabilsan Maraykanka ee CIA sannadkii 1980-kii, ayaa lagu sheegay inay iiraan isku deyayso sidii ay dalalka deriska ugu dhoofin lahayd fikradda kacdoon islaami ah.

 

Kacodoonka Iiraan, ayaa sababay in Qadif oo katirsan sucuudiga, ahna xarunta shiicda laga kaco,  iyadoo ay dadku dalbanayaan is bedel, iyagoo kor u qaaday sawirrada Khumayniga iiraan.

Kacdoonkan Shiicada sucuudiga, ayaa sababay in ciidanku gacan bir ah ku qabtaan, iyadoo lagu dilay tiro ka badan 20 qof, halka xabsiyada la dhigay boqollaal kale.

Ururka iskaashiga khaliijka ee GCC, oo ay ku midoobeen lix dawlado carbeed ah, ayaa la sameeyay  si loo caabbiyo Iiraan, khatarteedana meesha looga saaro amaba la naaqusiyo, Sucuudiga ayaa go’aansaday inuu taageero militari iyo mid dhaqaaleba la garab istaago madaxwayne Saddaam Xuseen dagaalkii dhex maray Ciraaq iyo Iiraan, taasoo cirka kusii shareertay xidhiidhkii Riyaad iyo Tehraan.

Saddaam Xuseen, ayaa u weeraray Iiran, cabsi uu ka qabay in Khumayni saamayn doono dalkiisa Ciraaq oo dadkiisu shiico u badan yihiin.

Magaalada Meka ee barakaysan, ayaa noqotay meel mar walba fawdo ay ka sameeyaan xujaajta Iiraan ka timaad, kuwaasoo jawaab adag kala kulmayay ciidamada nabadgeliyada sucuudiga, mid kamid ah bannaan bax ay xujaajta reer Iiraan sameeyeen oo ay kaga soo horjeedeen Maraykanka, ciidamada ammaanka sucuudiguna faraha ula tageen, ayaa sababay geerida 400 oo qof.

Kadib dhacdadaas, Sucuudigu wuxuu xidhiidhkii diblumaasiyadeed u jaray iiraan muddo saddex sanno ah.

Sannadihii u dambeeyay xidhiidhka labada dal ayaa baaxaa degayay,balse sannadkii 2011-kii, gu’gii carabta ayaa bedelay siyaasadihii, iyadoo tartanka gacan ku haynta gobolkuna uu u xuub siibtay derejo cusub.

Inkastoo bilowgii labada dalba u muuqdeen inay wada taageersan yihiin dadka kacay, haddana iiraan waxay si cad u taageertay shucuubta kacday iyadoo cod dheer ku sheegaysay in layska dul kiciyo keligood teliyeyaashii sunniga ahaa.

Balse markii kacdoonkii gu’gii carabtu uu soo gaadhay dalka Suuriya, ayay Sucuudiga iyo Iiraan lasoo kala safteen laba kooxood.

Iiraan, waxay taag iyo tamarba la garab istaagtay keligii taliyaha shiiciga ah ee Bashaar Al-asad, , halka dawladda sucuudiguna ay garabka saartay ururrada kasoo horjeeda kuwaasoo isku sheegay inay metelayaan sunniga dalka Suuriya u badan.

Todoba sanno oo ay iiraan taageerayso keligii taliyaha mayalka adag ee Bashaar Al-asad, sucuudiguna uu biilinayo jabhadaha, waxaa suuriya ka qaxay lix milyan oo qof, 5 milyan ayaa qaxoonti loo diiwaan geliyay, halka ay ku geeryoodeen in ka badan 500,000 oo qof.

Sucuudiga ayaa u muuqda inuu ku fashilmay dagaalka Suuriya, sababtoo ah weli waxaa badi dalka ka arrimiya keligii teliye Bashaar al-asad.

Yemen baa laysla yimi haddana, xulafada uu sacuudigu hoggaaminayo, ayaa weerarro culus ku qaaday jabhadda ay iiraan dabada ka waddo ee xuutiyiinta oo shiico ah, dagaalka yemen, ayaa horseeday in yemen ay ka qaraxdo xaalad bini-aadaminimo tii ugu xumayd adduunka.

Kumannaan kun oo qof ayaa lagu dilay yemen, iyadoo in kabadan 22 milyan oo reer yemen ahina ay gargaar degdega ah u baahan yihiin.

Iiraan waxay ku daabulaysaa hub xuutiyiinta, sucuudiguna wuxuu wadaa weerarro kala duwan oo dhul iyo cirbo leh, isagoo illaa 18000 oo weerarro xagga cirka ah  fuliyay intii uu dagaalku socday, waddankana kusoo rogay cuna qabatayn baaxad leh.

Dagaalka qabow ee dhex maraya sucuudiga iyo Iiraan, ayaa taabtay dalalka sida Yemen, Ciraaq, Lebnoon iyo Baxrayn,balse ma jiro dagaal toos u dhex maray labada dal.

 

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga