Cisbitaalka Al-Xayaat, oo ku yaalla magaalada Hargeysa ayaa waxaa habeenimadii xalay ka kacay dab, dabkaas oo soo gaadhsiiyay khasaare wayn.

Nin sheegay inuu kamid yahay masuuliyiinta cisbitaalkaas oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in waxa loo malaynayo inuu dabku ka kacay ay ahaayeen xadhkaha laydhka.

Ciidanka dab-demiska Somaliland, oo iyagu bakhtiiyay una gurmaday, ayaa sheegay in haddii aanay dabka xakamayn lahayn uu sababi lahaa khasaare intan kasii ballaadhan.

Weli lama sheegin khasaare dhimasho dadeed ah, balse khasaaraha maaliyadeed ayaa lagu sheegay mid wayn iyadoo laamaha dembi-baadhisto la sheegay inay ku guda jiraan baadhista waxa sababay dabkan.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga