Wadamada Ciraaq iyo Maraykanka ayaa dhawaan bilaabaya wada-hadal lagu sheegay mid isaraatiji ah, oo ka qabsoomi doona gudaha dalka ku yaala Bariga Dhexe ee Ciraaq.

Xukuumadaha Baqdaad iyo Washington ayaa qorshaynaya in ay cagta u dhigaan xiisado bilihii lasoo dhaafay ka dhex taagnaa labada waddan oo dano kala duwan ay mideeyaan.

Inkasta oo ra’iisul wasaaare Maraykanka la saaxiib ahi uu Ciraaq maamulo hadda, hadana dadka wax falanqeeya ayaa sheegay in aan la filan karin tatiijo buuran oo kasoo baxda wada-hadalka qorshaysan.

Wada-xajood madax heer sare ahi ay ka qayb gali lahayd oo caasimadda Baqdaad ka dhacayay ayaa loo bedelay hanaan khadka internet-ka la isticmaalayo, waxaana madaxda saameeyay xanibaadaha socdaalka.

Waa wada-hadalkii ugu horeeyay ee istaraatiji ah oo Ciraaq iyo Maraykanku ay yeeshaan muddo toban sanno ah. Waxa la filayaa in lagaga wada hadlo huwanta milatariga ah ee Maraykanku uu hor kacayo ee Bariga Dhexe, arimaha dhaqaalaha iyo dhaqanka.

Xidhiidhka Ciraaq iyo Maraykanka ayaa meel xun gaadhay bishii Janaayo ee horaanta sanadkan, kadib hawl-gal ay diyaaradaha Maraykanku ku dileen taliye reer Iran ah oo markaas kasii baxayay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baqdaad.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga