Raysalwasaaraha Pakistan wuxuu mar kale wajahayaa in cod uu ku waayi karo xafiiska ugu awoodda badan dalka Pakistan.
Guddoonka Baarlamanka Pakistan ayaa laalay mooshin hore oo la rabay in codka loogu qaado Cimraan Khaan iyadoo sharci darro ku tilmaantay.
Maxkamadda Sare ee Pakistan ayaa maanta soo saartay go’aan ku lid ah ka guddoonka Baarlamanka iyadoo ku dhawaaqday in codka kalsoonida ay baarlamanku u qaadi karaan raysalwasaaraha.
Todobaadkan ayaa la filayaa in mar kale ay fadhi yeeshaan kaas oo lagu go’aaminayo in Khaan uu waayo kursiga iyo in uu xejisto.