Ciidamo watay gaadiid milatari ayaa sheegay in ay ka goosteen ciidamada qaranka Somaliland, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya gobolka Sanaag ee bariga Somaliland.

Waxa la arkayay ciidamo iyo gaadiid ay soo dhaweeyeen ciidanka maamulka Puntland, kuwaas oo sheegaya in ay ku biireen ciidanka Puntland ee ku sugan qaybo ka mid ah gobolka Sanaag.

Ma jiro war kasoo baxay dhanka Somaliland oo caddaynaya ama beeninaya sheegashada ka imanaysa dhanka maamulka Puntland.

WIXII WAR AH EE KASOO KORDHA KALA SOCO WARBAAHINTA SAAB.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga