Dhimashada ayaa sii kordhaysa dagaal u dhaxeeya wadamada Armeeniya iyo Azerbijaan iyagoo maalintii sadexaad ku dagaalamaya xadka u dhaxeeya labada waddan.

26 askari oo kale ayaa dagaalka maanta lagu dilay sida ay tilmaamayaan wararka laga helayo gobolka Nagorno-Karabakh oo dagaalku uu ka socod.

Labada waddan ayaa dagaalka usoo hub urursanaya iyadoo aanay muuqan wax ifafaale heshiis ah oo muuqdaa, waxayna dhinacyadu si cad ugu baaqeen in ay dagaalka u diyaargaroobaan.

Armeeniya iyo Azerbijaan waxay ku muransanyihiin gobolka Nagorno-Karabakh oo mid waliba uu sheeganayo, balse dunidu ay u qooonsantahay qayb ka mid ah Azerbijaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga