Dawladda Hindiya waxay xaqiijisay dhimashada saddex askari oo ka tirsan ciidamadeeda kuwaas oo lagu dilay iska-hor-imaad ay la galeen ciidamada Shiinaha.

Iska-hor-imaadada ayaa ka dhacay deegaanka Himilaaya, ee gobolka Ladikh, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Hindiya.

Saddexda askari ee Hindiya laga dilay waxa ku jiray taliye ciidamada gobolka ku sugan ah.

Isku-dhacyada habeenimadii Isniinta dhacay ayaa imanaya kadib todobaado ay sii kordhaysay xiisadda ka taagan xadka ay wadaagaan labada waddan. Kumanaan askari oo milatari ah ayaya labada dawladoodba soo dheebeen xadka todobaadadii lasoo dhaafay. Waa ciidamo ka baxsan kuwii hore u joogay deegaanada xadka, oo qaarkood ay ku muransanyihiin labada waddan. 

War kasoo baxay milatariga Hindiya ayaa lagu sheegay in saraakiil sare oo ka tirsan labada dhinac ay kulmayaan, si loo dejiyo xiisadda taagan.

Dawladda Shiinaha ayaa Hindiya ku eedaysay in ay soo dhaaftay xadkeeda, taasina ay sababtay isku-dhacyada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga