Illaa 11 askari oo ka tirsan ciidamada dawladda Yemen kuna jiray sarkaal ciidamada ahi ayaa lagu dilay gantaal lala eegtay iyo is ku dhacyo ka bilaabmay duleedka magaalada Sanca ee caasimadda dalka ay colaaduhu baabiiyeen ee Yemen.
Taliye sare oo ciidamada dawladda ka tirsan iyo sideed askari oo kale ayaa lgau dilay gobolka alJawf kadib dagaalo ay galeen iyagoo isku dayaya in ay dib u qabsadaan deegaano lagala wareegay bilo ka hor.
Kooxaha ay la dagaalamayeen ayaa sidoo kale uu soo gaadhay khasaare badani, sida ay ku waramayso warbaahinta gudaha Yemen.
Xuutiyiinta Yemen ayaa magaalada ugu muhiimsan gobolka alJawf la wareegay bilo ka hor, waxay u lahayd muhiimad gaar ah. Waa guul dhabaxa u xaadhi karta in ay weeraraan gobolka saliida qaniga ku ah ee Marib.