Qoraal ka soo baxay taliska sirdoonka Soomaaliya ee Nisa ayaa lagu sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada amaanka magaalada muqdisho sarkaal dhanka warbaahinta u qabilsanaa ururka al shabaab.

Nisa ayaa sheegay inuu howgalkan ka dhacay degmada Hol-Wadaag ee gobalka Banaadir lama Sheegin xili u dhacay howgalka iyo magac ninka ay laamaha amaanka soo qabteen marka laga soo tago inu sarkaal yahay sida lagu sheegay qoraalka Nise.

Dhanka al shabaab ma jirto wax war ah oo ka soo baxay ee ku aadan hadalka laamaha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga