Ciidanka Nayjeeriya Ayaa Sheegay Inay In Ka Badan 1,000 Qof Kasoo Badbaadiyeen Gacanta Ururka Boko Xaraam.

Sarkaal U Hadlay Ciidanka Milliteriga Dalka Nayjeeriya Ayaa Sheegay In Howl-Gal Ay Ka Sameeyeen Gabbal Dhicii Isniinta Toban Tuulo Oo Ku Yaalla Gobolka Borno, Ay Ku Soo Badbaadiyeen Dadkan.

Ciidamo Isku Dhaf Ah Oo Ka Kooban Waddamada Nigeria, Cameroon, Chad, Niger, Iyo Biniin, Ayaa Ka Qayb Qaatay Weerarka, Iyadoo Dadka Lasoo Furtayna Ay U Badnaayeen Dumar Iyo Carruur.

War Kasoo Baxay Ciidanka Difaaca Nayjeeriya Ayaa Lagu Sheegay In Qaar Ka Mid Ah Raggii Lagu Qasbay In Ay Ka Mid Noqdaan Dagaal Yahannada Boko Xaraam Ay Ka Mid Ahaayeen Dadka Lasoo Badbaadiyey.

Boko Haram Ayaa Fulisay Kumanaan Afduubyo Ah, Kuwaasoo Inta Badan Loo Geystay Dumarka Iyo Carruurta, Waxaana Sagaalkii Sano Ee Ugu Dambeeyay Soconayay Weerarro Ka Dhan Ah Kooxdan Oo Ay Ka Qayb Qaadanayaan Waddamada Jaarka La Ah Dalka Nigeeriya,

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga