Ciidamada ammaanka ee waddanka Uganda ayaa toogasho ku dilay mid ka mid ah wadaada muslimka ee ku dhaqan dalkaas.

Sheikh Muhammad Abas Kirevu ayay dawladda Uganda ku eedaysay in uu la shaqayn jiray ama taageero siiyay kooxo argagixiso oo lagu tuhunsanyahay in ay ka danbeeyeen qaraxyadii ka dhacay magaalada Kampala.

Uganda waxay sidoo kale wadaadka ku eedaysay in uu la dagaalamay ciidamada ammaanka markii ay isku dayeen in ay xidhaan.

Magaalada Kampala ayaa muddooyinkii danbe lagu arkayay qaraxyo kala duwan, taas oo keentay in dawladdu ay beegsato kooxo gaar ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga