Warbaahinta ku hadasha afka dawladda Soomaaliya ayaa waxay ku warrameen in

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa weerar  ku dileen ku dhawaad 50 Maleeshiyo oo ka Tirsanaa kooxda Al-shabaab iyo sidoo kale warbaahinta Soomaaliya waxay sheegeen inay ciidanku ay dileen madaxii howl-galinta wax ay ku tilmaameen nabad-diidka oo u qaabilsanaa gobolka Shabellaha dhaxe.

Wakaaladda wararka ee ku hadasha afka dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in

Dagaalkaani uu dhacay galinkii dambe ee shalay isla markaana uu ka dhacay tuulada layidhaa Bululow oo hoostagta degmada Afgooye. 

Dhankooda iyana Saraakiil ka tirsan ciidanka kumaandooska danab oo la hadlay idaacada codka Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in dagaal ka dhacay tuulada bululow lagu dilay In ka badan 50 maleyshiyaad ah iyo horjoogihii howl-galinta al-shabaab u Qaabilsanaa gobolka shabellada dhaxe.

Saraakiisha ciidanka danab oo uu Maraykanku taageero ayaa horjogaha la dilay waxa ay magaciisa ay ku sheegeen Cismaan Ciil Fiidow kaas oo ay ku sheegeen inuu Al-shabaab u qaabilsanaa hawl-gelinta.

Warbaahinta afka dawladda ku hadasha ayaa sheegtay in maleeshiyaadka la dilay iyo horjoogahoodiiba lagu aasay tuulada Buuloyareey shiiqaal oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe.

Ma aha markii ugu horraysay ee ciidamada Soomaaliya ay sheegeen inay dileen xubno katirsan Al-shabaab iyo horjoogeyaal ka tirsanaa kooxdaasi.

Dhankooda kooxda Al-shabaab ayaa iska hor imaad kasta oo dhex mara iyaga iyo ciidanka dawladda guulo ka sheegta mar walba.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga