Ciidamada Maraykanku, waa kuwa ugu awoodda badan dunideenna, dhan kastoo laga eego.

Dad badan ayaa Maraykanka ku tilmaama  inuu u dhaqmo sidii uu isagu Boolis ka yahay meerahan dhulka.

Duqaymo toos ah, weerarridda dalal dhisan, iyo adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ayaa ah waxa Maraykanka lagu bartay.

Daraasado laga sameeyay ciidamada Maraykanka dhexdooda, ayaa sheegay inay diinta Islaamku aad ugu dhex faafayso gudaha ciidamada Maraykanka.

Qaar badan oo kamid ah ciidamada cirka ayaa diinta Islaamka qaatay, kadib markii ay akhriyeen kuna qanceen.

Lillian Harbor, oo ah gabadh ka tirsan ciidamada cirka ee Maraykanka, gaar ahaan cutubka ku rakibidda gantaalaha ee diyaaradaha dagaalka, ayaa kamid ah dadka ku qancay diinteenna suubban ee Islaamka, Lillian, oo u warramaysay telefishanka NBC, ayaa sheegtay inay muddo walaac iyo werwer nafsadeed hayay, iyadoo sheegtay inay kala tegeen saygeediii taasina ay dhibta kusii siyaadisay, balse markii ay diinta Islaamka qaadatay ay ku qabowday.

 Lilian, ayaa sheegtay inay qoyskooda oo dhami aad uga soo horjeedsadeen, dookha u galay diinta islaamka, waxaanay sheegtay inay hooyadeed aakhirkii la qaadatay diinteenna kadib markii ay ku qancisay.

Rafayl Latanguea, oo ah sarkaal sare oo katirsan ciidamada cirka Maraykanka, ayaa isna sheegay inuu diinta Islaamka soo galay muddo hore oo uu aad u bartay, Rafayl, ayaa sheegay inuu maanta isagu masuul ka yahay masaajid ku dhexyaal xero ciidamada cirka Maraykanku ku leeyihiin gobolka New Mexico, oo uu halkaa ku tujiyo uguna khudbadeeyo jimcaha.

Diinta Islaamka, ayaa sida ay daraasaduhu sheegeen ah midda ugu faafidda badan Yurub iyo Maraykanka, taasoo ay aad uga xanaaqeen dad badan, Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa isagu si cad warbaahinta ugu sheegay inay diinta Islaamku neceb tahay Maraykanka, isagoo xayiraad dhanka socdaalka ahna saaray dalal muslim ah oo ay Soomaaliya kamid tahay.

Axmed Maxamuud Yuusuf, SAABTV Hargeysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga