Ciidamada Itoobiya ayaa dilay in ka badan 40 ka mid ah rag looga shakiyay in ay ka danbeeyeen weeraro shalay ka dhacay gobolka Benishangul-Gumuz ee galbeedka dalka Itoobiya, sida ay ku warantay dawladdu.

Weerarka ayaa shalay lagu dilay 100 qof oo caruuri ay ku jirtay, waxaana ay kooxaha weerarka ka danbeeyay ay rasaas iyo hub kale ku dileen tobanaanka qof xili ay hurdeen.

Shan masuul oo ka tirsan dawladda Itoobiya iyo qaar hore xilal usoo qabtay ayay sidoo kale xidhay dawladdu, iyadoo ku eedaynaysa in ay wax ka ogaayeen weerarada.

Masuuliyiin dawladda ka tirsan ayaa loo tuhunsanyahay in ay taageero siinayeen maaleeshiyaad hubaysan oo ku dhuumaalaysanaya deegaanka oo buuralay ah.

Go’aanka dawladda ayaa yimi kadib markii Abiy Axmed uu wacad ku maray in dawladdiisu ay tallaabo ka qaadi doonto kooxaha weerarka gaystay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga