Taliyaha Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika Jeneraalka afar-xidigoodlaha ah ee Stephen Townsend  iyo saraakiil uu hogaaminaayo taliyaha Ciidamada Dalka Faransiiska General François Lecointre,ayaa isla meel dhigay afgarad ay ka gaadheen sii wadista iskaashiga u dhexeeya ciidamada Mareykanka iyo kuwa dalka Faransiiska ee qaaradda Afrika.

Jeneraal Stephen Townsend, Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in “Faransiisku uu yahay saaxiibka ugu da’da weyn ee uu Mareykanka leeyahay, sidoo kalena uu yahay hogaamiyaha la dagaalanka argagixisada Afrika’’

General Stephen Townsend, taliyaha ciidamada Maraykanka qaaradda Afrika, waxaa uu sheegay in Maraykanka iyo Faransiisku ay wadaagaan walaaca guud ee la xidhiidha argagixisada iyo la dagaallankeedaba isagoo sheegay inay wadayaan hawlaha argagixiso la dagaallanka qaaradda Afrika.

Taliyeyaasha ciidamada Maraykanka iyo Faransiiska ee is-afgaradka ka gaadhay hawlahooda qaaradda Afrika, ayaa sidoo kale ka wada hadlay tartanka loogu jiro qaaraddan gaar ahaan dalalka Shiinaha iyo Ruushka oo si wayn u danaynaya Afrika iyagoo midiba midka kale ku amaanay hawlaha ay qaaradda ka wadaan.

 

 

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga