Wakaaladda ku hadasha afka dalwadda Soomaaliya, ayaa waxay sheegtay in hawl-gallo ay qaadeen ciidamada xoogga Soomaaliya, kaasi oo ka dhacay duleedka degaanka Bariire oo katirsan gobolka Shabellada Hoose ay Ciidanku  ku dileen Madaxii Hoobiyaasha Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka iyo tiro Maleyshiyaad ah.

Wakaaladda wararka Soomaaliya ayaa soo xigatay

Taliyaha Ururka 143 ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Dhamme Axmed Xasan Siyaad kaas oo sida ay sheegtay la hadlay Idaacada ciidamada qalabka isagoona u sheegay in Howlgalka uu ahaa Mid qorsheysanaa isla markaana lagu dilay Maleyshiyaad ka tirsan wax uu ku tilmaamay Nabadiidka Al-shabaab iyo Madaxii Hoobiyaasha kooxda

Dhamme Axmed xasan Siyaad waxa uu sheegay in Howlgalka lagu dilay ku dhawaad 17 ka tirsan Al-shabaab iyo Horjoogihii Hoobiyaasha ee kooxdaasi u qaabilsanaa gobolka.

Taliyaha Ururka 143 ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Dhamme Axmed Xasan Siyaad, ayaa Magaca Horjoogaha la dilay ku sheegay Abu Nuur Mukhtaar oo ku magac dheer gaabshe, kaas oo u qaabilsanaa Alshabaab kaydinta iyo tuurista hoobiyaasha.

Weli xafiiska wararka ee telefishanka Saab TV ma uu soo gaadhin war kasoo baxay kooxda Al-shabaab oo ay kaga hadleen arrintani ay sheegtay warbaahinta ku hadasha afka dawladda Soomaaliya, balse ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa marar hore sheegay inay dileen saraakiil iyo maleeshiyaad katirsan kooxda, kuwaasi oo ay Shabaabna mar walba ku tilmaamto waxba kama jiraan.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga