Madaxweynaha maamulka Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh ayaa saaka u duulay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Mr. Khaliif oo saaka garoonka Cigaal lagu arkay ayaa sheegay in uu tagayo magaalada Muqdisho, isagoo tibaaxay in aanu safarkiisu wax lug ah ku lahayn arimo siyaasadeed. Wuxuu intaa ku daray in uu rejo wanaagsan ka qabo in heshiiskii ay la galeen Somaliland uu sidiisa u fulo.

Maamulka Khaatumo iyo Somaliland ayaa hore heshiis u wada galay, balse wali lama fulin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga