Markii ugu horeysay taariikhda waxa calanka Soomaaliya ka sudhay xarunta laga maamulo magaalada Toronto ee gobolka Ontario ee dalka Canada, waxaana kasoo shaqeeyay xubno Soomaali ah.

Maayirka magaalada Toronto oo ah magaalada ugu dadka badan guud ahaan dalka Canada, John Tory, ayaa sheegay in ay arintan u samaynayaan si ay u xusaan maalinta xoriyadda Soomaaliya.

Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Toronto ayaa si ballaadhan usoo dhaweeyay arintan, iyadoo Toronto ay tahay magaalada ay ku noolyihiin Soomaalida ugu badan ee Canada ku nool.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga