Li Wenliang the Chinese doctor, who was among the first to raise concerns about the spread of the new coronavirus in Wuhan, has died from the disease, according to state media.UNCONFIRMED REPORT

Cadho xoogan ayaa ka dhalatay geerida dhakhtar hore uga digay in uu caabuqa coronovirus qarxi doono, kadib markii la shaaciyay geerida dhakhtarkan.

Li Wenliang ayaa si rasmi ah loo shaaciyay geeridiisa xili dawaynayay bukaano qaaday caabuqa oo ku sugan magaalada xudunta u ah xanuunka ee Wuhan, iyadoo dad badan ay aaminaad la’aan galinayso.

Dadka Shiinaha ayaa ka cadhooday geerida dhakhtarkan oo ay dawladda ku canaanteen, waxaanay u aqoonsadeen geesi qaran. Dawladda ayay u sheegeen in hore uu ninkani uga digay xanuunka, balse ay nasiib darro tahay in uu isagu u dhinto.

Sanadkii hore ayuu dhakhtarka geeriyooday ka digay in caabuqu uu qarxi karo, balse dawladda ayaa ku eedaysay in uu faafinayo warar aan sal iyo raad toona lahayn, waxaana mar lagu sameeyay baadhitaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga