Booliska ayaa xabsiga u taxaabay laba nin oo si ula kac ah u dilay wiil madaw oo guclaynayay magaalo ku taala gobolka Georgia ee dalka Maraykanka.
Bishii February ayay Ahmuod Arbery oo 25 jir ahaa la dhaceen rasaas xili uu samaynayay jimicsi orod ah. Xiliga ay dhacdadu socotay ayaa laga duubay muuqaal iyadoo la arkayay rasaas ay huwiyeen kadibna uu dhulka u dhacay.
Baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho ayuu qabsady muuqaalku, iyadoo dibad-baxyo lagu dalbanayo in caadalaadda la hor keeno raggan ay ka dhaceen meelo badan oo magaalada Brunswick ay ka mid tahay.
Qoyska uu kasoo jeedo wiilka la dilay ayaa dalbanaya in cadaalad ay helaan.
Xeer ilaalinta gobolka Georgia ayaa warbaahinta u sheegay in labada nin oo is-dhalay ay hadda ku jiraan gacanta maamulka, isla markaana lagu wado baadhitaano laga gunaadhayo xukunka ku dhacaya.