Sawirkan waxa qaaday sawir-qaade Yuusuf Daahir.

Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland waxa saaka subixii laga arkay cadceed-madoobaad, taas oo keentay in dad badani ay bilaabaan salaadda kusoo aroortay xiliga ay cadceeda ama dayaxu madoobaado.

Intii u dhaxaysay 6:30 illaa 7:30 subaxnimo ayaa meelo badan laga arkay cadceed-madoobaadka.

Diinta Islaamku waxa ay sheegaysaa in marka ay xaaladaha noocan oo kale ay yimaadaan ay muujinayso danbiyada dadka oo sii badanaya, iyadoo ummadda muslimiinta ahina ay cibaadaystaan isla markaana ay Eebe u noqdaan.

Sayniska ayaa lagu xusaa in dayaxu uu kala dhex galo cadceeda iyo dhulka, sidaas darteedna ay qaybi madoobaato cadceeda iyada oo uu ku sawirmayo hadhkii dayaxu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga