Sheekh Umal, oo kamid ah culimada Soomaaliyeed, ayaa si adag uga hadlay, hadal-jeedin uu dalka Jarmalka ka jeediyay siyaasiga Cadbirraxmaan Cabdishakuur, kaasoo uu ku sheegay inay jiraan wadaaddo xadiisyo been abuur ah ku duudsiya xuquuqda dumarka, isagoo soo qaatay xadiis laga soo weriyay nebi Muxammed (NNKH).

Sheekh Umal, ayaa toos u magacdhabay siyaasigan, isagoo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inaanay dooran dadkaas oo kale.

Hdadaba Cabdirraxmaan Cabdishakuur, ayaa bartiisa Facebook kaga jawaabay hadalka Sheekh Umal, isagoo yidhi:

”Waxaan dhegaystay hadal uu Maxamad Cabdi Umal kaga falceliyey khudbad aan horay u jeediyey. Hadalka Umal wuxuu ku soo beegay caawa fiidkii, ka dib maanta duhurkii oo aan dadwaynaha Soomaaliyeed u caddeeyay ugana cudurdaartay wixii khalad ah ee hadalkaygii hore ku jiray. Waxaanse la yaabay in Umal uu si ula kac ah oo shakhsi ah ii lafa gaaray.

Wuxuu igu tilmaamay: “Jaahil, eey oo kala ah, gaalo raac, Nebi diid ah, Diinta ka xuubsiibtay, dumarka cod si khiyaano ah uga raadsanaya.”

Wuxuu Umal shacabka Soomaaliyeed ku eedeyey in ay raggii soo qixiyay xukunka ku abaal mariyeen, oo ay madax ka dhigteen. Waxaa uu kaloo sheegay in kuwo aan anigu ka mid ahay ee soo socdana ay gaalo raac yihiin.

Umal wuxuu ka gaabsaday gabood falka iyo xadgudub ka madaxda haatan talada dalka haysa. Wuxuusan juuq ka oran dhiibistii Qalbidhagax, xasuuqii Baydhabo, cunaqabataynta shacabka Kismaayo, iyo weerarkii wiilasha ilaalada ii ahaa ee xarunta Xisbigayga lagu xasuuqay.

U hiilinta Diinta ka mid maaha miyaa ilaalinta dhiiga Muslinka, dhowrista sharafkiisa iyo xuquuqdiisa?

Lama yaabbani Sheekh Umal, sababta oo ah, waa ninkii na gaalaysiiyey markii aan heshiiskii Jabuuti galnay; waa ninkii gaalaysiiyey C/laahi Yuusuf; waa ninka Dawladdii Xasan Sheekh irdaha u taagnaa. Isaga iyo Xasan Daahir waxaa ay ilaalashadaan dawladda uu Farmaajo hoggaamiyo, sababtuna waa ay caddahay. Waa in Fahad Yaasiin oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee Xarakada Ictisaam oo ay soo wada galeen dagaalkii Araare, Gedo iyo Boosaaso uu dawladdaan milkiile ka yahay. Waxaa dhaqan u ah gaalaysiinta Muslimka, banaynta dhiigiisa iyo ku xadgudubka cirdigiisa.

Hadal jeedinta Umal diin difaac ma ahayn, sababtoo ah ima daba taagnaadeen anigoo wax kasta cadeeyey, waqtiga intiisa badana wuxuu ku bixiyey in uu dadka iibiyo in aanan cod la i siinin. Inta kale Xasan Daahir ayuu kala mid ahaa, laakiin wuxuu kaga duwanaa in uu olole siyaasadeed oo ba’an ku jiray, laakiin waxaan ku kalsoonahay intii dhagaysataa oo caqli, cilmi iyo garasho leh in ay fahmi doonaan halka qasadkiisu yahay iyo hawsha uu Umal heeganka ugu jiro”

Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga