Dadka ayaa cabayay Bunka illaa qarnigii 15-aad , ayaa sayniska ayaa sharaxaad ka bixiyey faa’iidada caafimaad ee ku jirta.
Haddii aanad cabin Bunka cilmi-baadhistan ayaa wax ka badeli doonaa wixii aad maanka ku haysay
Bunka ayaa hoose u dhiga khatarta keeni karta dhimashada
Cilmi- baadhistan Ingiriiska lagu sameeyay , ayaa waxa ka qaybgalay 50,000 oo qof oo caadesyatay cabitaanka Bunka in ka dhimasho yar yar yihiin dadka kale , waxaana cilmi baadhis la waday 10 sanno.
Cilmi -baadhista waxa samaysay jaamacada Nothingham ee dalka Ingiriiska khuburada ayaa cabirayey xaraarada unugyada qoorta ee qofka .
Dr Geofrey James waxa sheegay in aan la ogaan in maadada Coffein ee Bunka ku jirta ay baruurta iyo in kale
Waxa la sheegay in la khimaamaynayo dhimashada , waxaana ay arrintan abuuraysaa dood .
Bunka waxa la sheegay in 10,000 oo curiyo ay ku jiraan ,kuwaasoo unugyada ka ka ilaaliya dhaawac soo gaadha .
Dalka Spain cilmi-baadhis tan xidhiidh la leh oo sameeyay oo tijaabo laga qaaday 20,000 oo qof, waxa lagu ogaaday in dadka ka weyn 45 jirka 30% ay dhimashadoodu yartay, marka ay maalin kasta cabaan laba koob oo Bun ah .
Dalka Mareykanka cilmi- baadhis ay samaysay waaxda caafimaadka ee jaamacada Harvad oo ay ka qayb galeen 30,000 oo isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaalisooyin caafimaad , waxa in isticmaalka Bunku hoos u dhigo dhimashada ay sababaan wadne-xanuunka , faaliga , macaanka iyo cudurada ku dhaca maskaxda .
Cabitaanka koob Bun ah maalintii waa fursad 6 % ka badbaadinaysa sabab ada u dhiman lahayd , haddii aad cabto shan koob , waxa meesha ka baxaysa dhimashada 15 %.
Cilmi-baadhis kale oo samaysay xarunta Framingham heart study oo ta ugu wakhtiga dheer cilmi-baadhisaha caafimaadka samaysa Mareykanka oo lagu baadhay 5,209 qof , ayaa lagu ogaaday in isticmaalka Bunku dhimashada hoos u dhigo.
25,000 qof Kuuriyada Koonfureed oo la baadhay , waxa la ogaaday in la dhex dhexaad la cabo Bunku ay muujiso calaamadaha ka diga wadne-xanuunka