Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Gaas, ayaa dhaliilay raysalwasaaraha Soomaaliya iyo Midawga Murashixiinta.

Gaas wuxuu tilmaamay in masuuliyadda doorashada uu qaadayo Rooble, iyo wixii musuq ah ee ka dhasha doorashada oo hore isaga loogu wareejiyo. Wuxuu intaa ku daray in Rooble looga baahanyahay in uu dhabaha saxda ah kusoo celiyo doorashada.

Cabdiweli Gaas wuxuu dhanka kale eedaymo u jeediyay Midawga Murashaxiinta, isagoo tibaaxay in aanay dhan u wada jeedin oo aanay lahayn mawqif midaysan, iyagoo taageeray kursi si khaldan lagu doortay halka ay diideen mid akle oo qalad lagu doortay isna, sida uu hadalka u dhigay.

Shalay waxa ku kulmay Muqdisho Rooble iyo Midawga Murashxiinta, iyagoo ka wada hadlay sidii loo sixi lahaa mad madawga jira.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga