Wasiirka amniga ee maamulka Jubbaland ayaa sheegay in aanu ku sugnayn magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, xili uu muran badani ka taaganyahay meesha uu ku suganyahay.

Janan ayaa la sheegay in uu joogo magaalada Mandheera iyadoo masuuliyiinta magaaladu ay dalbadeen in uu iskaga baxo magaaladaas, balse isaga ayaa gabi ahaanba beeniyay in uu joogo gudaha Mandheera. Wuxuu xusay in uu hadda ku suganyahay magaalada Beled Xaawo, isla markaana ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland iyo ciidan isaga ka amar qaata.

Cabdirashiid Janan ayay daydayaysaa dawladda federaalka Soomaaliya xili uu maalmo ka hor ka baxsaday xabsi ay ku xidhay dawladdu. Waxa lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay arimaha xuquuqda aadanaha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga