Dalal badan oo ku yaala qaaradda Yurub waxa kor u kacay qiimaha lagu iibsado caanaha dameeraha, sida dalka Albania oo qiimaha halka litir (1 litre) la siinayo lacag ka badan $60, iyadoo markii horeba aan laga heli jirin dameeraha ama ay u yaraayeen dalal badan.
Khubarada wadamada qaar ayaa sheegay in caanahani ay kor u qaadaan difaaca isla markaana hoos u dhigayaan heerka uu qofka ugu dhici karo caabuqa Covid-19, waxaana ay sidoo kale hagaajinayaan habka neefsashada ee qofka.
Wali ma ah wax la isku raacay balse waxay ku koobantahay wadamada qaatay iyo dadka aaminay oo kaliya.