Caabuqa Shiinaha ka dilaacay ee Coronovoirus ayaa kusii fidaya gudaha waddanka Talyaaniga, iyadoo dawladdu ay dignino soo saarayso.

Illaa 79 qof ayaa ilaa hadda laga helay xanuunka, iyadoo ay u dhinteen laba qof oo kale oo xanuunku uu hore ugu dhacay.

Raysalwasaaraha Talyaaniga ayaa sheegay in xanibaado lagusoo rogayo deegaanada lagu arkay xanuunka, iyadoo illaa saddex ciyaarood oo ka tirsan horyaalka kooxaha Talyaaniga dib loo dhigay, waxaana laga cabsi qabaa in xannuunku uu sii fido.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga