Maxkamadda ugu sarraysay dalka Burundi ayaa soo saartay go’aankeedii ugu dambeeyay, kaas oo ah cidda bedeli doonta madaxwaynihii geeryooday ee dalkaasi Pierre Nkurunziza oo uu kursigiisu madhnaa tan iyo maalintii la shaaciyay inuu si lama filaan ah u geeryooday maalintii Isniintii.

Maxkamada dastuuriga ee dalkaasi ayaa amartay in madaxwaynaha la doortay, Evariste Ndayishimiye xilka loogu dhaariyo sida ugu dhaqsiyaha badan.

Sida uu dhigayo sharciga dalkaasi Burundi, guddoomiyaha baarlamaanka dalkaasi ayay ahayd inuu noqdo madaxwayne-ku-meel gaadh ah kadib geerida madaxwayne Nkurunziza, balse golaha wasiirrada dalkaasi ayaa arrinta u gudbiyay maxkamadda sare ee dalkaasi iyadoo si rasmi ah ugu dhawaaqday hoggaamiyaha rasmiga ah ee dalkaasi.

Evariste Ndayishimiye, ayaa noqonaya madaxwaynaha Burundi, iyadoo uu kasoo hormarayo xilligii uu noqon lahaa madaxwaynaha dalkaasi muddo laba bilood ah, iyadoo ay soo dedejisay geerida madaxwaynihii xilka hayay madaxwaynenimadiisan.

Garsoorayaasha maxakamada dastuuriga ee dalka Burundi, ayaa waxay sheegeen in xilliga kumeelgaarka ee ay tahay in uu xilka qabto afhayeenka baarlamaanka ay ahaan lahayd marka doorasho cusub la qabanayo, balse imika uu joogo madaxwayne cusub oo la doortay.

Mr Nkurunziza ayaa tahli   karay in uu u tartamo doorashadii dalkaasi ka dhacday bishii aynu soo dhaafnay, balse waxaa uu go’aansaday in uu siyaasada ka fadhiisto.

Dowladda Burundi, ayaa sheegtay in uu madaxwaynuhu uu dhintay ka dib markii uu wadnuhu istaagay, balse qaar kamid ah warbaahinaha caalamka ugu waawayn oo ay kujirto BBC-da qaybta dibadaha la hadasha ayaa qoraya in madaxwaynuhu uu u geerooday xanuunka Coronavirus, iyagoo soo xiganaya dad aad ugu dhawaa qoyska madaxwaynaha geeryooday ee dalkaasi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga