Burco, Meherad cuntada Itoobiyaanka Lagu Iibiyo, Ayay Ciidamada Bilaysku Albaabada u laabeen

Wararka naga soo gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa sheegay inay ciidamada Bilayska magaalada Burco, ay albaabada u laabeen meherad lagu iibiyo cuntada iyo cabbitaanka Itoobiyaanka, taasoo ay mulkiileyaasheeda yihiin dad reer Somaliland u dhashay, ciidamada ayaa xabsiga dhigay shaqaalihii Itoobiyaanka ahaa ee ka hawlgalayay meheraddaas.

Meherradan oo magaceeda layidhaa Warsan Ethiopian Restaurant, ayaa sida wararka uu Saab TV helayo la sheegayaa in habeenkii lagu cawayn jiray, taasoo ay dadku sheegayaan inay culimada gobolku aad uga biyo diideen.

Hodan Maxamed oo ah mulkiilaha meherradda, ayaa iyadoo la hadlaysay warbaahinta Star, sheegtay inaanay garanayn illaa hadda cidda xidhay iyo sababta loo xidhay toona.

 

Wixii Faahfaahin ah, kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga