Maamuleyaasha dalka Indonesia ayaa sheegay inay heleen goob ay rumeysan yihiin in diyaarad rakaab ah oo nooceedu ahaa Boeing 737 ay ku dhacday badda wax yar uun  ka dib markii ay ka kacday magaalada caasimada ah ee Jakarta Sabtidii.

Diyaaradda Sriwijaya Air jet ayaa siday 62 qof markii laga waayey raadaarka afar daqiiqo oo ay ku jirtay safarka ay ku tagtay Pontianak oo ku taal Galbeedka Kalimantan.

Axadii, calaamado loo malaynayo inay ka yimaadeen duubista duullimaadka diyaaradda ayaa la raad raacay.

In kabadan 10 markab ayaa hada la geeyay goobta iyaga oo wata quusayaasha badda.

Saraakiisha Indunuusiya waxay warbaahinta u sheegeen inay diyaaradda saarnaayeen 62 qof oo iskugu jira 12 shaqaale ah iyo 50 rakaab ah, rakaabka ayaa waxaa ku jiray 7 carruur ah.

Ehellada rakaabkii sugayay dadkooda, ayaa la soo dhigay sawirradooda iyagoo murugaysan.

Saraakiisha Indunuusiya waxay sheegayaan inay heleen qaybo kamid ah jidhka dadkii rakaabka ahaa iyo burburka diyaaradda.

Waxaana hadda la baadi-goobayaa sanduuqa madow ee diyaaradda.

Maraakiib iyo diyaarado ayaa ku jira baadhista, sidoo kale waxaa saaran kooxaha quusa.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga