Budhcad badeed Soomaali ah, ayaa afduubtay markab uu ka lulmanayay calanka waddanka Panama sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Markabka la afduubtay, ayaa ka yimi waddanka Imaaraadka Carabta, waxaanu kusii jeeday dekedda magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gardafuu Muuse Saalax, ayaa xaqiijiyay in markabka ay afduubteen budhcad badeed illaa 6 gaadhaya, illlaa haddana war rasmi ah lagama hayo shaqaalihii ajaanibta ah ee saaran markabkaas.
Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.