Boris Johson, raysalwasaaraha 56-jirka ah ee dalka Ingiriiska ayaa la sheegayaa in uu si qarsoodi ah u guursaday gabadh muddo badan u doonanayd ama ay isla socdeen oo mar socdaal ku timid deegaanada Somaliland.

Carrie Symonds iyo Boris Johson ayaa wada noolaa in muddo ah iyagoo isku doonan, balse muddooyinkii danbe ayay soo baxayeen  wararka sheegaya guurkooda oo qarsoodi ah, iyadoo markii horena warka lagu helay in si dhakhso ah ay u aqal galayaan.

Arooskooda ayaa lagu casuumay saaxiibo kooban oo gaar ah iyadoo aanay cidina ogayn. Wuxuu ka dhacay kiniisad ku taala Westminister magaalada London maalintii Sabtida ee shalay ahyd. 30 qof ayaa goob joog ka ahaa arooska, iyadoo loo xadiday sababo la xidhiidha xanibaadaha isu imaatinka dadka ee fayraska Covid-19.

Xafiiska raysalwasaare Boris Johnson ayaa iska fogeeyay in ay arintan ka hadlaan, iyagoo wax jawaab ah aan siinin warbaahin ay ku jirto BBC oo wax ka waydiisay arinta guurka raysalwasaaraha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga