Baarlamanka Ingiriiska ayaa xalay diiday qorshaha rayslawasaare Boris Johnson. Mr. Johnson ayaa raba in dalkiisa uu heshiis la’aan ka saaro Midawga Yurub, balse wuxuu la kulmay cambaarayn xoogan.

Xalay ayuu lumiyay aqlabiyadi uu ku haystay baarlamanka, kadib markii xildhibaano badani ay ka safteen isaga.

328 xildhibaan ayaa diiday qorshaha uu baarlamanka hor keenay halka 301 xildhibaanna ay aqbaleen, arintaas oo keenyasa in mar kale uu dib u dhaco ka-bixitaanka Ingiriiska ee Midawga Yurub.

Raysalwasaare Johnson ayaa balanqaaday in 31-ka bisha October uu heshiis iyo heshiis la’aanba ka saari doono Ingiriiska, balse waxa shaki badani uu galayaa fulinta hanaankiisa maadaama uu taageero yar imika ku haysto baarlamanka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga