Boqor Sobhuza II waxa lagu sheegaa hogaamiyihii ugu mudada dheeraa dal xukuma taariikhda casriga ah marka la eego qaarada Afrika. Wuxuu dalka Swaziland u talinayay muddo ka badan 80 sanno, kahor dhimashadiisi sanadkii 1982.

Ninkani wuxuu guursaday haween dhan 70 waxayna u dhaleen caruurtiisa faraha badan oo dhan 120 caruur ah.

Waxyaabaha cajiibka ah ee boqorkani uu ku kaliyaystay waxa ka mid ah in caruur ka badan 1000 uu noqday awoow.

Aabihii ahaa si kadisa u dhintay sanadkii 1899-kii, isagoo markaa jiray hal sanno. Waxa durbadiiba loo magacaabay boqorka waddanka isagoo boqonimo kusoo barbaaray. Waa sababta ka dhigtay hogaamiyaha ugu mudada dheeraa qaaradda Afrika inta la xasuusto taariikhada casriga ah.

Boqorkan waxa lagu xasuustaa waxyaabo badan, maadaama intii uu talinayay ay aduunyada wax badani ka dhaceen sida dagaaladii waawaynaa, iyo gumaysigii qaaradda Afrika.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga