Magaalada Hargeysa waxaa warfidiyeenka kula hadlay boqor Cismaan Aw-Maxamuud ”Buur-madow”, boqor Buur-madow ayaa sheegay inuu xaal iyo raalligen ka siinayo madaxwaynaha jamhuuriyadda Jabbuuti Ismaaciil Cumar Geelle, hadallo kasoo yeedhay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa warbaahinta hore ugu sheegay inaanu madaxwaynaha Jabbuuti dhex ka ahayn wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, sidaas awgeedna uu kasoo horjeedo in shirka wada hadallada lagu qabto Jabbuuti.

Boqor Buurmadow, ayaa sheegay inuu ka xun yahay hadalladaas isagoo raalligelin kasiiyay madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle iyo marwadiisa Khadra Maxamuud  Xayd.

Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay oo xaqiiqada ku sal leh

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga