Golaha sare ee Afkaanistaan ayaa ka shiraya sidii loosii dayn lahaa boqolaal maxbuus oo kale oo ka xidhnaa kooxda Daalibaan ee dagaalka hubaysan kula jirta dawladda Afkaanistaan. Golaha oo odayaal ka kooban ayaa Jimcaha maanta go’aaminaya in 400 oo maxbuus ooda laga qaado.

Sii-daynta maxaabiista ayaa qayb ka ah heshiis lala galay Daalibaan kaas oo la rabo in lagusoo afjaro colaada sanadada badan ka socota dalkan ku yaala badhtamaha koonfureed ee qaaradda Asia.

Heshiiska oo Daalibaan iyo dawladda Maraykanku ay ku kala saxeexdeen magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar ayaa dhigayay in lasii daayo illaa 5000 oo maxbuus oo ka xidhan Daalibaan, taas bedelkeedana ay nabad qaataan.

Xukuumadda madaxweyne Ashraf Qaani ayaa aqbashay in lasii daayo balse 400 oo ka mid ah maxaabiista ayaa loo haystaa danbiyo waawayn, sida ay dawladdu sheegayso.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga