Boqolaal kun oo qof ayaa jimcaha maanta dibadbaxyo ka dhigaya badi wadamada caalamka, iyagoo dalbanaya in wax laga qabto cimilada duunyada ee isbedelaysa.

Illaa 150 dal ayay ka dhacayaan dibadbaxyadu, waxaana xuduun u ah kan ka dhacaya magaalada newyork oo xarun u ah qaramada midoobay.

Qaaradaha Yurub, Asia, Australia iyo Ameerika ayay isugusoo baxeen boqolaal kun oo qof. Iyadoo wadamada qaarna ay dibadbaxyadu noqonayaan kuwii ugu waawaynaa sida India, iyo Indonesia oo dadku ay ka cabanayaan wasakhawga hawada.

Dadka mudahaaradaya ayaa dawladaha ku cadaadinaya in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka cimilada isla amrkaana laga hortago musiibo ka dhalata ku takri falka biniaadamka ee deegaanka iyo cimilada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga