Magaalada xeebta dhacda ee Boosaaso ee maamulka Puntland waxa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo cabsi galiyay dadka deegaanka.

Ciidamada Puntland ee ka amar qaata madaxweyne Deni ayaa laga cabsi qabaa in ay weeraraan xarumaha ciidamada PSF ee magaalada Boosaaso.

Agaasimihii ciidamada PSF ayaa diiday in uu xilka ku wareejiyo agaasimaha cusub ee uu soo magacaabay madaxweyne Deni, taas oo keentay in madaxweyne Deni uu ka cadhoodo isla markaana ciidamo badan geeyo saldhigyada PFS ee Boosaaso.

Waxa laga cabsi qabaa dagaal ka dahca magaalada xili ciidamada ka amar qaadanaya agaaismihii PSF ay ku hubaysanyihiin hub kala duwan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga