Xildhibaan Indho-indho, oo katirsan golaha guurtida Somaliland, ayaa magaalada Boorma kula hadlay warfidiyeenka, xildhibaanka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xaalado nabadgeliyo darro oo laga soo sheegay gobolka Awdal isagoo yidhi; ”Anigu ma arkayo nabadgeliyo darro taalla magaalada, wax dhibaato ah oo aannu ku aragnay magaalada iyo waddada tooni ma jirto, laakiin media-ha waannu ka maqlaynay colaadda, carrab iyo labadiisa daan baa isqabta, sidii aynu wax u xalilan jirnay uun baynu u xalinaynaa, Suldaankana waxaannu leenahay waxaannu fadhinaa Rays, magaaladana waannu kusoo noqnoqon doonnaa, magaaladu waxay ahayd magaalo aqooneed bay ahayd, bini-aadamka tabasho way jiraysaa illaa inta aynu dhimanayo”

Xildhibaan Indho-Indho, ayaa Suldaan Wabar ugu baaqay inuu soo noqdo, oo uu ka shaqeeyo nabadda, wixii uu tabanayana miiska wada hadalka lagu dhameeyo, oo la wada fadhiisto, iyaguna ay farrinta qaadi doonaan marka uu lasoo fadhiisto ee uu wax u sheego.

Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay adduunka iyo geyga Soomaalidu degtoba.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga